Siyaasiyiinta Deeganadda Galmudug ayaa ka hadlay hadaladda maalmihii dambe kasoo yeerayay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf),ee ku aadan doorashadda Dowladd Goboleedka Galmudug.
Siyaasi Maxamed Cali Ruush oo kamid ah Siyaasiyiinta Deeganadda Galmudug ayaa sheegay In Madaxweyne Xaaf uusan is hor istaagi karin doorashadda Dhuusa-mareeb ka dhacaysa.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xaaf arrimaha galmudug uu u wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda FederaalkaSoomaliya.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa dhawaan ka hadlay khilaafka xilligan soo kala dhexgalay isaga iyo Dowladda Federaalka, ee ku aadan geedi-socodka doorashada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay ka baxday heshiiskii ay wada gaareen, ee ahaa inay isla wadaan dhismaha maamulka cusub, balse uu heshiiskaasi ka fuli waayay dhanka dowladda.