Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa xaadiray 34 Senetar waxaana shir gudoominayey Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Waxaa kusugnaa madasha Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali amar Dambe iyo Kuxigeenkiisa C/llaahi Colaad Rooble.
Dood adag ayey Senetarada ka yeesheen Howlgabnimada Generaalada Ciidanka iyo qaabka loo wajahayo.
Senetor Muuse Suudi Yalaxoow ayaa soo jeediyey in Nidaam ahaan la raaco sida Generaalada Caalamka Howlgalka ku noqdaan iyadoo Soomaaliya Qaladaad badan jiraan.