Qaar kamid ah Xildhibanada Cusub Ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa beniyey in la siiyay lacago si ay codkooda u siiyaan shaqsi ka sacoda dhinaca Villa Somaliya.
Xildhibaan Cawil Cali Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay wararka ku aadan in Xildhibanaadda la siiyay lacago si ay u doortaan xubno ay taageerayso madaxtooyadda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Soomaalida ay iska yihiin kuwa hadalka iska jecel,balse Xildhibaanadda Galmudug ay matalaan shacabka ayna dooran doonaan shaqsi ay u arkaan in uu samata bixin karo Galmudug.
Hadalka Xildhibaan Cawil Cali Maxamuud ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan in Madaxtooyadda Soomaaliya Shaqsiyaad iyada taageerayso u wado Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka