Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Shiikh Yuusuf Xuseen Madaale oo wareysi siiyay KNN ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga sii dartay culeyska saaran dadka shacabka ee ku dhaqan gudaha magaalada Caasimada ah Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa xusay in xirnaasha waddooyinka haatan looga sii daray, islamarkaana dhagxaantii waddooyinka la dhigay lagu bedaly Ganjeelo.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiidka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa ka soo baxa dekedda Muqdisho ay ku qaadato in uu tago suuq Bacaad ama Bakaaraha mudo saddex maalmood ah,taasina ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka laga dhaxlay jidadka ay xirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya
“Magaladaan dhagax in lagu xiro waa ay dhaaftay waxaa ay marayesaa in Ganjeelo lagu xiro,baabuurka dekadda ka soo baxa oo badeecadaha Bakaaraha ama suuq bacaad u sido saddex maalin ayay ku qaadaneysaa walba Canshuur xadhdaaf ahna waa laga qaadaa.” ayuu yiri Madaale.