Taliska Ciidanka Xooga Dalka soomaaliyeed ayaa laga dalbaday in Ciidamadu ay ku nagaadaan Deegaanada Muhiim ka ah ee Gobalka shabeelaha Hoose ee Saacadihii la soo dhaafay ay ka soo baxeen Ciidanka Xooga soomaaliyeed kuwaasi oo Hoos yimaada Deegaanka Tooratooroow.
Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa maanta dib u bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in Shabaab kala wareegaan deeganadda ay ku sugan yihiin.
Sheikh Yuusuf Cusmaan oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-jaalle ee Gobalka shabeelaha Hoos oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed in ay kasoo bixin deeganadii ay kala wareegeen Al-shabaab ee Shabeelaha hoose.
Waxa uu sheegay in dhabar jab ay ku noqonayso dowladda, hadii deegaanka lagala wareego Al-shabaab kadibna saacado kadib dib loogu soo laabto.
Hadalka Sheikh Yuusuf Cusmaan oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-jaalle ee Gobalka shabeelaha Hoose ayaa imaanaya xili ciidamadda Dowladda shalay ay la wareegeen deegaanka Toora-toorow oo shabaab ku sugnaayeen balse xalay ayay ka baxeyn.