Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda waxa uu si qoto dheer uga hadlay dhibaatooyinka Soomaalida ay ka dhaxleen xurgufta u dhaxeysa Dowladaha ka dhaxeeya loolanka siyaasadeed.
Danjire Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku xiran tahay Dowlado iska soo horjeedo, balse waxa uu tilmaamay in loola tacaamulo si ka madax banaan garabsiinta dhinac kamid ah Dowladaha is haya.
Dalalka qaar ayuu sheegay in uu culeys kasoo gaaray Soomaaliya, arrinta kaliya ay ka fogaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay ku milanka mowjadaha siyaasadeed ee ka dhex ooggan quwadaha is haya ee caalamka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Xuduudaha dalka ay furan, dadaal badana uu ku socdo sidii loo xakameyn lahaa Xuduudaha si looga hortago dhibaatooyinka laga dhaxli kara.
Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa uu dul istaagay khilaafka u dhaxeeyo Dowlado dhowr ah iyo saameynta uu ku yeeshay Dalka, balse waxa uu tilmaamay in Dowladahaas ay xiriir wadaag la ah Soomaaliya.
Wanaajinta xiriirka Dowladaha is haya iyada oo aan loo kala garbineen waxa uu ku sifeeyay Halbeegga lagu cabbiro Dowlad waliba oo laga eegayo waaya-aragnimada ay u leedahay geedi socodka siyaasadda.
Tusaale waxa uu usoo qaatay Dowladda Jabuuti oo si dhexdhexaadnimo ah ula dhaqanto Dowladaha Mareykanka, Shiinaha, Falansiinka Jarmalka iyo kuwa Khaliifja oo intooda badan saldhigyo ku leh dalkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay go’doomintii Qadar ay saareen Dowlado dhowr oo carbeed kadib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto kooxaha waxa loogu yeero Argagixisada.