Waxaan maqli jirnay Qof aan heeybtiisa la garaneyn ayaa dilay, waana lagu raad joogaa, Cadaaladaana la hor keenayaa.
Usbuucaan Dab aan heeybtiisa la garaneyn ayaa Soo galay oo gubay, qaybo ka mid ah CID-da iyo Bangiga dhexe, Mr. Dab oo hore ugu eedeeysna dhowr Suuq oo uu gubay.
mana jirto ilaa hadda Dhuxul, Koronto, Dab, Holac, Burjiko ama kushiin, loo soo qabtay gubashadaa. Laakin waa lagu raad joogaa.
Cidii aragta 6daa Dambiile hala soo xiriirto Heyadaha ku shaqada leh.
waxaan Codsaneeynaa in Mudane Dab, la soo qabto oo Cadaalada la hor keeno, intii uuna naga gubin meelo kale oo muhim ah.
Wax qabad iyo wada shaqeyn wanaagsan.
Qore: Yahya Amir