Iyadoo magaalada Muqdisho sanadihii la soo dhaafay ka soo kabaneysay dagaaladii sokeeye ee dalka halakeeyay, ayaa magaalada oo soo kobceysa, kuna soo kordheen dhismayaal ganacsi iyo Hotelo ayaa waxaa kobacaas saameyn ku yeeshay qaraxyo joogtada ee Al-Shabaab ka fuliyaan Muqdisho.
Saameynta taban ee Qaraxyada Muqdisho ku yeesheen dhaqaalaha ayaa aad u soo kordhayay sanadihii u dambeeyay, waxaana xirmay Hotelo caan ahaa oo qaraxyo lagu weeraray tiro ka badan labo jeer.
Hotelada caanka ah ee Qaraxyada ku xirmay ayaa waxaa ka mid ah Hotelka Saxafi oo sanadkii 2018 bishii November weerar saddex geesood ah oo qaraxyo ah lagu qaaday, sidoo kale Hotelka caanka ah ee Maka Al-Mukarama ayaa bishii March ee sanadkii 2019 la weeraray.
Labadaas Hotel ee caanka ah ee la weeraray illaa iyo hadda kama soo kabsan weeraradaas, waxaana muddo qaadatay in dib loo dhiso, waxaase la sheegayaa in laga fikirayo in loo bedelo goobo ganacsi.
Sidoo kale Hotelada qaraxyada ku xirmay waxaa ka mid ah Hotelka Naasahablood 1 iyo Hotelka Ambassador oo shan sano ka hor weeraro qaraxyo ku bilowday lagu weeraray, labada Hotel midkoodna ma shaqeeyo oo waxaa loo bedelay ganacsiyo kala duwan.
Haddaba waxaa warbixin ka diyaariyay Wariyaha caanka ah Maxamed Ibraahim Macalimuu:-
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=V77h_3KkZLE?feature=oembed&w=696&h=392]