Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuuso mareeb Ee Gobolka Gal gaduud ayaa sheegaya in halkaas la iskugu geeyey Xarun Xildhibaanadii Shalay Lasoo Bandhigay.
83 Mudane oo ka mid ah Baarlamaanka Labaad Ee Galmudug ayaa waxa Lagu dhaariyey Magaalada Dhuuso mareeb.
20 Xildhibaan oo ka mid ah 83 Xubnood Ee Shalay lasoo bandhigay waxaa hore usoo xulay Ahlusuna Waljamaaca oo Saami Qeybsi siyaasadeed ay ku heleen.
Ciidamada Amaanka ayaa waxay isku geedaameen xarunta Xildhibaanada la iskug geeyey kuwaas oo amniga sugayey.
Waxa hadda dhiman Lix Xubnood kuwaas oo kuraasta Beelaha kala heli lahaa muran ka jiro dibna loo soo bandhigi doono.
Iyadoo sidaa ay tahay oo Doorashada Galmudug ka socoto Dhuuso mareeb ayaa hadana waxaa lasoo tebinayaa in Xaaf uu diidan yahay.