Wararka laga helaayo Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska caawa ay xireen Fanaan Cabdi Dhaanto.
Xariga Fanaanka ayaa sida wararka horudhaca ay sheegayaan waxa ay ka dambeysay, kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu Baraha Bulshada ka sheegay Fanaankii Nabad Suggida soo bandhigtay in lagu qasbay hadalkii & muuqaalkii laga duubay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay in la soo xiray Fanaan Cabdi Dhaanto, xilli uu ku sugnaa Degmada Hodan.
Sidoo kale maalmo ka hor Fanaan Cabdi Dhaanto ayaa Muuqaal Baraha Bulshada la soo dhigay wuxuu ku sheegay in la isku qarxinaayo Tiyaatarka Qaranka oo dhawaan dib loo furi doono, ka dib markii barnaamijka Isxilqaan lagu dhisay.
Fanaanka ayaa hadda wuxuu ku xiran yahay Saldhiga Ciidamada Booliska ee Degmada Hodan.