Baqdintii ku saabsaneyd in Galmudug yeelato madaxweyneyaal iska soo horjeeda ayaa sii xoogeysatay, sida dad kala duwan ay sheegayaan.
Cabsidda ayaa meeshii ugu sareysay gaartay kadib markii guddiga doorashada dowlada iyo Ahlu Sunna ay dardargeliyeen dhaqdhaqaaqyadda ay kawadaan Dhuusamareeb.
Garabka xukuumada federaalka ayaa shalay dhageysatay khudbadaha siyaasiyiin uu kamid yahay murashaxa “ay maal-gelineyso” Villa Soomaaliya.
Dhanka kale, guddiga ay magacowday Ahlu Sunna ayaa shaaciyey in ay Sheekh Shaakir u diiwaan-geliyeen murashax madaxweyne, isla markaana uu ku biirayo laba kale.
Waxayna Ahlu suna si deg deg ah shalay u doorteen Sheikh Maxamed Shaakir inuu noqdo madaxweynaha Galmudug ee Garabka Ahlu suna.
Geesta kale, madaxweyne Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo kawada qaban-qaabada doorasho kale.
Murashaxiinta mucaaradka oo horey kaga digay in ay soo baxaan arrimahaan ayaa ku adkeystay baahida loo qabo wadahadal iyo is-qanci si loosoo afjaro ismaandhaafka.
Beesha Caalamka oo bayaan ku muujisay dhexdhexaadnimo ayaa darafyadda ku boorisay in ay sameeyaan tanaasul si loo helo maamul loo dhan yahay oo ay ka faa’iidaan bulshadda Galmudug.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa dib u dhigay doorashada madaxweynaha oo maanta lagu waday iney ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.