Barasaabka caasimadda dalka Kenya Mike Sonko, ayaa maxkamadda ka codsaday in xanibaada laga qaado bankiyadiisa.
Dowladda ayaa xanibaad ku soo rogtay shan ka mid ah bankiyada Mike Sonko oo ay ku tuhunsanyihiin inuu ku haayo lacago la sheegay inuu lunsaday.
Mr Sonko ayaa codsigiisa ku sheegay inay soo wajahday lacag yari uuna u baahanyahay lacag uu noloshiisa ku maareeyo, sida lagu sheegay wargayska Star.
Ciidamada booliska ee Kenya ayaa horay xabsiga u taxaabay Barasaabka magaalada Nairobi, Mike Sonko, oo ka mid ah siyaasiyiinta xilalka sar sare ka haya waddanka.