Post View....

Baarlamaanka Ciraaq oo meel mariyay qaraar dalka loo saarayo ciidamada shisheeye (Maxaa soo kordhay?)

0
89

Golaha Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qaraar ku saabsan in gebi ahaanba ciidamada shisheeye ee wadankaasi ku sugan isaga baxaan, waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay inta badan Xildhibaanada, Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdil Mahdi iyo madax ka tirsan dowladiisa.

Xukuumadda Ciraaq oo hor geysay Golaha Baarlamaanka ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee ugu xasaasinaa isla markaana dowladda curdanka ah ee Ra’iisal Wasaare Caadil Cabdil Mahdi ay ku muujineyso tallaabo fal celin u ah taliyihii ciidamada Iiraan oo lagu dilay dalkeeda gudihiisa Jimcihii aynu soo dhaafnay.

Kumannaan Ruux oo isugu soo baxay waddooyiinka iyo Meydka Soleimani oo Iiraan la geeyay.

Khudbad uu Baarlamaanka u jeediyay Ra’iisal wasaaraha dowladda Ciraaq ayuu sheegay in weerarka ciidamada Mareykanka ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Baqdaad uu keenay qaraarka ay xukuumadiisu u gudbisay golaha sharci dejinta dalkaasi.

Weerarka iqtiyaarka ah oo dalka Ciraaq ay ka fuliyeen ciidamada Mareykanka, ayuu sheegay Ra’iisal dalkaasi inuu ahaa mid wiiqaya qaranimada iyo madax bannaanida dhul weynaha Ciraaq, wuxuuna sheegay in dowladiisu qaadeyso tallaabooyin kale oo lagu adkeynayo ammaanka xuduudaha, badda, dhulka iyo cirka.

“Qaraarkaan waxa uu khuseeyaa oo kaliya ciidamada ka socda dalalka shisheeye ee ku sugan dalkeena, hase yeeshee ma saameynayo saraakiisha ka socda dalalka aanu saaxibka nahay ee tababaraya ciidamadeena iyo shaqaalaha shirkadaha caalamiga ah ee Ciraaq ku sugan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Caadi Cabdil Mahdi.

Dhacdooyin lama filaan ah oo ka dhashay dilkii Jan. Qaasim Suleymani

Ansixinta mooshinka dalka looga saarayo ciidamada shisheeyaha ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada Mareykanka ay weerar dhinaca cirka ah ku dileen saraakiil uu hoggaaminayay Jan. Qaasim Suleymani taliyihii ciidamada Iiraan taasi oo ka dhalatay caro iyo dibadbaxyo ka socda dalalka deriska ah ee Ciraaq iyo Iiraan.

Golaha Wasiirada Iiraan oo shalay gelinkii dambe yeeshay kulan degdeg ah ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen heshiis kasta oo ku saabsan arrimaha Nukliyeerka oo ay la galeen dalalka reer galbeedka, isla markaana ay bac riminayaan hubka Nukliyeerka.

Waxaa kale oo ay sheegeen Wasiirada Iiraan in haddii aan la fulin dalabkooda aanay joojin doonin iyaguna dhinacooda dalab kasta oo ay dalalka reer galbeedka ka doonayaan, hase yeeshee waxay caddeeyeen inay la shaqeynayaan hay’adda QM u qaabilsan arrimaha Nukliyeerka.

Dowladda Mareykanka oo dalka Ciraaq ay ka joogaan in ka badan 5-Kun Askari ilaa iyo iminka wax jawaab ah kama bixin go’aanka Baarlamaanka dalkaasi ka gaaray howlgalkii ay ka fuliyeen magaalada Baqdaad oo cirka ku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan ee ku saabsan ammaanka iyo xasiloonida gobolka Bariga Dhexe.

About Author