Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay Magaaladda muqdisho ku dilay Wiil saaxiibkiisa ahaa.
Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay Xaafada Kaawa-godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal,wiilka la dilay oo lagu magacaabi jirey Munasar ayaa Ahaa Ganacsade,waxaana dilay saaxiibkiisa oo askari ahaa.
Munasar ayaa la sheegay in uu gadaal kaga yimid askariga oo la sheegay kadibna uu isku duubay taas oo keentay in askariga uu mar qura rasaas ku furo, islamarkaana ay sababtay in marxuumka isla meesha uu ku dhinto.
Meydka Ala Ha U Naxariistee Munasar ayaa goobta laga qaaday,waxaana xabsiga la dhigay askarigii dilka geystay.