Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay maalmihii la soo dhaafay ka geysanayeen gudaha dalka Kenya, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay waaberigii hore ee saaka ku qaaday deegaan ku dhow Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Weerarkan ayaa dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Kamuthe, waxaana lagu dilay saddex macalin.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxay ku gubeen weerarkaas saldhig Boolis iyo xarun isgaarsiin ku yaalla deegaanka Kamuthe.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weeraray deegaanka ayaa la sheegay in muddo kooban ay ku sugnaayeen, waxaana ay isaga baxeen markii weerarka fuliyeen kaddib.
Waa weerarkii labaad oo muddo 24 saac gudahood Al-Shabaab ku qaadaan deegaano ku dhow magaalada Gaarisa, waxaana Al-Shabaab ku hanjabeen inay kordhinayaan weerarada ay ka wadaan gudaha Kenya.