12 saacadood Ayaa loo qabtay ajaanibta ganaciyada ku leh magala madaxda gobolka Northern Cape ee Upington
Ciidamada booliska gobolkaas Ayaa galinkii dambe ee maanta badbaadiyay dhowr qof oo ajaanib ahaa kuwaaasi oo qudha laga jari rabay
Labadii maalimood ee laso dhaafay rabshada xoogan Ayaa gobolkaas Northern Cape kaasi oo ajaanibta lagu beegsanayay iyado lagu eedeeyay ajaanibta laguna tuhunsanyahay dil loo geeystay askari booliska oo ka howlgalayay magalada Upington
Caawa boqolaal ajaanib ah oo u badan somali Ethiopian Bangladesh Ayaa magangaliyo ahaan loo dajiyay saldhigyada booliska gobolkaasi Notheren cape cabsi laga qabo in weerar lagu ekeeyo goobaha ay ajaanibta ku noolyihiin
Boqolaal ganacsato ah Ayaa lagu qasbay in hantidooda ama ganacsigooda oo camiran ay ka cararaan halka qaarkoodna ay nasiib u heleen in dukaamahooda ay rartaan
Xaalad cabsi iyo walwal leh ayey Caawa ku suganyihiin ajaanibta ganacsiyada ku leh gobolka Northern Cape
Saraakiisha booliska gobolka Ayaa wacad ku maray in ay ku dadaali doonaan sidii ay u xakameeyn lahayeen dadweynaha ka careeysan dilka booliska loo geeystay
Wixii warar ah ee gobolka Northern Cape kasoo kordhaa wan idiin la so socodsiin doona incha Allah
Somalis In South Africa