Post View....

Xildhibaanada Jubaland Oo Kashiray Go’aankii DF Iyo Xariga Wasiir Janan

0
149
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulanka Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxaa looga dooday Go’aankii dhawaan dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa sheegay in xayiraadii dowladda saartay Jubbaland ay dhibaato ka soo gaartay dadka rayidka ah, sida dadka xanuusan oo ay adag tahay in dhaqso lagu gaarsiiyo goobaha Isbitaalada, maadaama xayiraad la saaray diyaaradahii tooska ahaa.

Sidoo kale Baarlamaanka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaaddo duulimaadka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo,si dadka ay u helaan waxkasto ay u baahan yihiin.

Dhinaca kale Xildhibaanada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay Xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka amniga maamulkaas Cabdirashiid Xasan Nuur Janan,kaasi oo laga qabtay Garoonka Aadan Cadde xili uu ku wajahnaa Addis Ababa.

Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in diyaaradaha u socda iyo kuwa ka yimaada Magaalada Kismaayo inay soo marayaan Garoonka Aadan Cadde,isla markaana Muqdisho ku xirtay Wasiirka amniga Jubbaland,kaasi oo lagi eedeeyay inuu geystay xadgudub ka dhan ah Bani’aadaminada oo ka dhacay Gobolka Gedo.

 

About Author