Post View....

Agaasimaha Villa Somalia Oo Kulan Layeeshay Madax Kasocotay Baanka Aduunka

0
184

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa kala hadlay Madax ka socotay Bangiga Adduunka xal u helista dhibatooyinka biyo yaraanta iyo fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee mara dalkeenna.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in wabiyadan ay muhiim u yihiin nolasha dadka Soomaaliyeed, maadaama ay ku tiirsan yihiin beeraha soo-saara dalagyada aasaasiga ah, taas oo ay tahay in dowladdu ay siiso ka warqabkooda mudnaan gaar ah.

Kulanka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Madaxtooyada Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo afar ah kuwaas oo hordhigay Bangiga Adduunka qorshe ku wajahan in iskaashi dhow arrinkan lagala yeesho Dowladaha dariska ah ee aan wabi-wadaagga nahay iyo in la dardar geliyo daraasadaha ku aaddan caqabadaha wabiyada dalka iyada oo la tixraacayo heshiisyada caalimaga ah ee ku saabsan wadaagga biyaha wabiyada.

Dhankooda, Madaxda ka socotay Bangigaga Adduunka ayaa ballan qaaday in ay ku garab siinayaan xeeldheerayaasha Soomaaliyeed diyaarinta daraasadaha la xiriira caqabadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba, in lagala shaqaynayo in ay soo qiimeeyaan xaaladaha dalalka caalamka ee wada dheefsada wabiyada, si ay hormuud ugu noqdaan dadaallada sharci iyo siyaasadeed ee dowladdu laga rabo in ay ku ilaaliso saamiga dalka ee biyaha wabiyada.

Saraakiisha Bangiga Adduunka ee uu la kulmay Agaasimaha Madaxtooyadu ayaa waxaa ka mid ahaa U-qeybsanaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mudane Hugh Riddle, Khabiirro Sare oo dhanka Biyaha iyo Nadaafadda Mudane William Rex iyo Tesfate Bekalu.

About Author