
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah uga hor-timid dalab ka yimid Kenya oo ku aadan in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee loo muddeeyay 9-ka bishan September.
Xukuumadda Nairobi ayaa waxay ku doodey in ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay kusoo qoroto kooxdeeda difaaca, sidaasi darteedna ay u dooneyso in la bedelo taariikhda horey u shaacisay ICJ.
Illo wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da in soo jeedinta Kenya ay tahay mid waqti lumis ah, sidaasi darteedna ay dooneyso in aanan waxba laga bedelin dacwadda.
Kenya ayaa tan iyo markii dacwadda loo gudbiyey ICJ waxay dooneysay in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo arrintan, taasi oo ay ka diidey xukuumadda Muqdisho oo sheegtay in ay maxkamada ku qanacsan tahay.