Post View....

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Oo Sidiiran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti

0
128
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasumadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Muuse iyo Wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.

Safarka uu ku tegay Madaxweynaha Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa waxaa uu qaadan doonaa Muddo kooban,waxaana uu si rasmi ah u gudo-geli doonaa hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.

Ujeedada safarka madaxweynuhu ee Jabuuti ayaa wuxuu daaran yahay xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

 

About Author