Post View....

RW Kheyre Oo Markii Labaad Isbuucan Gudihiisa Safar Kutagay Galmudug (Maxaa Qaldan?)

0
126

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, halkaas oo lagu wado in Arbacada uu ka furmo shir dib-u-heshiisiin ah.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay “dadaallada ay dadka Galmudug uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhanyahay”, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waa markii labaad ee R’iisal Wasaaraha uu booqanayo Dhuusamareeb, laba bilood gudahood, iyadoo la isku mari la’ yahay alkumidda maamul gobleed loo dhan yahay oo ka hirgala Galmudug, oo ay khilaafyo isdaba joog ah hareeyeen tan iyo markii la dhisay sannadkii 2015-kii.

Madaxweyne Xaaf ayaa bishii Luulyo aqbalay in dowladda Federaalka ay soo qabanqaabiso shir dib-u-hesiisiin oo horseeda yagleelidda dowlad goboleed ka hirgasha halkaas.

Boqollaal ciidamo ah ayay dowladda Federaalka gaysay Dhusamareeb, taasoo loo arkayay loollan cad oo ka dhan ah Ahlu Suna oo ciidammadeeda ay ka taliyaan magaalada.

Isbuucyadii la soo dhaafay, heshiiyo ay gaareen kooxdaas iyo dolwadda Federaalka ayaa u muuqday inay burbureen iyadoo labada dhinacba uu midba midka kale ku eedeeyay burburka heshiiska.

.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay dooneyso inay dhisto maamul iyada u daacad ah, balse way beenisay eedeyamhaasi.

Magaalada Hobyo waxaa dhowr isbuuc ka socday shir beeleed looga hadlayay arrimaha siyaasadda ee Galmudug. Ka qeybgalayaasha ayaa ka soo jeeda deegaanno ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxayna dalbadeen in shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusamareeb dib loo dhigo.

Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho oo maanta soo saaray warbixin uu kaga hadlayo arimaha ku xeeran maamul u sameynta gobolka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay danta guud ka hormariyaan tooda khaaska ah

Warbixinta ayaa si hoose u taabatay muranada qabaa’ilka u dhaxeeya, kaalinta siyaasiyiinta ee khilaafka gobolka iyo sida xal waara loogu heli lahaa dawlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan ku talinnay in dowlada ay kaalinteeda qaadato oo ay dadka isu keento lagana shaqeeyo in la helo xal waara oo dadka reer Galmudug ay ku naalloodaan”, ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi, madaxa machadka Heritage oo wareysi siiyay BBC-da.

Machadka ayaa ugu baaqay dowladda inay qaadato door dhexdhexaadnimo ah inta uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta iyo inta lagu guda jiro dadaallada alkumidda mamaulka Galmudug.

.

Hadda waxa la hubo waa in dhammaan dhinacyadii isku hayay Galmudug iyo dowladda federaalkaba ay hal sheey isku waafaqsanyihiin, taas oo ah in ay doorasho dhacdo, balse wali lagu kala aragti duwan yahay qaabka ay u dhacayso iyo cidda qabanqaabineysa doorasadaas.

Waxaan wali caddeyn in dhammaan dhinacyada ay ka soo wada qeybgeli waayaan kulanka Dhusamareeb, taasoo wiiqi karta isku dayga lagu doonayo in dib-u heshiisiin loo dhan yahay la qabto.

Bayaanka kasoo baxay Heritage ayaa sidaasi darteed lagu bixiyay talo ku aaddan in dhammaan dhinacyada ay muujiyaan dababcsanaan iyo tanaasulaad si horumar looga sameeya dadaallada siyaasadeed.

“Waxaa fiican dadka waxgaradka ah sida odayaasha, haweenka iyo dhallinyarada in aysan marti ka noqonin ee ay aragtidooda ku biiriyaan dhinacyada oo ay u sawiraan siyaasiinta Galmudug-ta ee ay rabaan, siyaasiintana ku khasbana oo ay ku yiraahdaan sidan ayaan wax u rabnaa”.

Heritage waxay sidoo kale ku baaqday in dowladda federaalka ah ay ka dalbato AMISOM in ciidammo ka socda Uganda, Burundi iyo Djibouti la geeyo Dhuusamareeb inta ay socdaan doorashooyinka.

Madaxweyne Xaaf oo mar hore ku wareejiyay mas’uuliyadiisa qabanqabinta doorashada dolwadda dhexe ayuu machadka ku tilmaamay “mid aan faa’ido lahayn, maadama uusan iscasilin oo uu wali yahay madaxweynaha sharciga ah”.

Warbixinta ayaa dhinaca kale ku baaqday in doorka Ahlu Sunna ay ka qaadaneyso howlaha dhismaha Galmudug uu noqdo mid aan sadbursi ahayn balse u dhigma halgankii iyo dagaalkii ay muddada kula jirtay Al-shabaab iyo galaangalka ay gobolka ku leedahay.

Afar ka mid ah tobanka degmo ee Galmudug waxaa gacanta ku haya Al-shabaab sida degmooyinka Xaradheere, Ceelbur, Galhareeri and Ceel-Dheer.

About Author