Post View....

Doorashadii Jubaland Oo Saameyn Gaar Ah Kuyeelatay Kismaayo

0
135

Tan iyo markii labo todobaad ka hor doorasho ka dhacday Kismaayo oo dib loogu doortay Axmed Madoobe hadana waxaa weli jira raad reeb dadka ay ka qaadeen doorashadaasi.

Ka hor Doorashada Labo isbuuc waxay ciidamada Jubbaland xireen goobo muhiim u ahaa Shacabka ay mari jireen.

Waddooyinka qaar waxaa weli ku xiran dhagax iyo biro la dhigay ka hor doorashada Jubbaland,taas oo Shacabkaiyo gaadiidka ay culeys ka muujinayaan meelaha qardo jeexa ah ay maraan.

Baabuurta iskaga kala goosha Siinaay ilaa Dalcada,waxay awal mari jiri jireen wadada dheer ee Laamiga ah,iyagoo Dalcada Siinaay ka fuuli jiray Jiirada Ceymiska oo ah Aag laga ilaaliyo Madaxtooyada Jubbaland,balse waa xiran tahay weli.

Baabuurta BL waxay ka leedaan jiiro ka sokeysa Ceymiska oo ku aadan Sarta Quumadaha ee shaaha laga cabo Kismaayo,iyadoo sidaa luuq luuq kaga fuula Dalcada Siinaay.

Sidoo kale waxaa jira waddooyin jid cadayaal ah oo weli Maamulka Jubbaland u xiran oo Oodo iyo Dhagax ku jaran yihiin gaadiidkana mari karin.

Ilo wareed aan helnay ayaa sheegaya in waddooyinkani la furi doono 26 Bisha markii Xaflada Caleemo saarka ah dhacdo kadib Ee Axmed Madoobe isku caano shubi doono.

Inkastoo C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar weli ka tanaasulin inay sheegteen Madaxweynaha Jubbaland hadana waxaa socda qorshe la iskugu keenayo dhinacyada isku beesha ah ee mid walbo madaxweynaha isku heysta.

 

About Author