Post View....

Shir Looga Hadlay Muranka Badda Somalia Oo Lagu Qabtay Adis Ababa

0
137

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan gaar ah ka yeeshay arrnta Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo kulankan uu ka dambeeyay codsi ka yimid dowladda Kenya oo ahaa in arrinta muranka labada dal lagu xaliyo heer Afrikaan ah, gaar ahaan Midowga Afrika ay soo dhex gasho.

Kulanka gaarka ah ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa waxaa warbixino looga dhageystay wafuuda kala matalaya Kenya iyo Somalia, iyadoo markii warbixinada laga dhageystay labada dal ay bannaanka u baxeen, si Golaha uga doodo.

Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa khamiista soo socota yeelan doonaan dood kale oo arrintan ku saabsan, waxaana ay todobaad kaddib soo saari doonaan war murtiyeed.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo kulanka ka hadlay ayaa warbixin ka siiyay heerarka ay soo martay dacwadda, isagoo caddeeyay in aan xilligan loo baahneyn in dacwada taala ay marto hey’ado kale, ayna doonayaan in laga warsugo Go’aanka Maxkamadda.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Somalia ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sano ah hortaal Maxkamadda, mudadaasna aan Golaha la horkeenin, isla markaana xilligan oo todobaad ka harsan tahay dhageysigii dacwada ee Maxkamadda ICJ aysan aheyn wax sax in Golaha la horkeeno arrintaas ay carqaladeyneyso dhageysiga dacwadda ee loo balansan yahay 9-ka bisha September.

Waxaa uu tilmaamay in aanay marnaba Soomaaliya ka laaban doonin dacwada taala Maxkamadda, kiiskaasna loo baahan yahay inuu ku xalismo maxkamadda dhexdeeda, isla markaana aanay marna ka tanaasuleyn go’aankeeda davwadda badda ee hortaala Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Dowladda Kenya ayaa galaangal badan ugu jirtay in dacwada taalla Maxkamadda ICJ in laga wareejiyo oo qaab wada hadal loo xaliyo muranka labada dal, isla markaana ay Kenya ogaatay in aanay wax libin ah ka heleyn dhageysiga dacwadda taala Maxkamadda.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Kenya ayaa ka dalbatay Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 9-ka bisha September, si ay qarreen cusub u qabsato.

 

 

About Author