Post View....

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo laga sugaayo inuu tago Magaalada Caabudwaaq

0
157

Wefdi uu hogaaminayo ra’iisul-wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku wajahan magaalada Caabudwaaq halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta wefdiga.

Sacaadaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu halkaas gaaro iyada oo shalay gelinkii dambe wefdi hordhac u ah ay gaareen degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Gal-gaduud.

Markii uu gaaro halkaas ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho odayaasha dhaqanka iyo sido kale qeybha kala duwan ee bulshada kalana hadlo masiirka Galmudug iyo doorashooyinka la qorsheeyay.

About Author