Post View....

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wafdigii uu Hogaaminaayay oo gaaray Caabudwaaq.

0
163

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta waxay gaareen magaalada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.

Ra’iisu Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo diyaariyay goob fagaaraha ah oo loogu tala galay inuu Khudbad u jeediyo qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Caabudwaaq.

Mr. Kheyre ayaa sheegay in maalmo kooban uu Ku sugnaan doono Magaalada Caabudwaaq, islamarkaana uu kulamo kala duwan la yeelan doono Madaxda maamulka Galmudug iyo odayeyaasha dhaqanka.

Dhanka kale Ra;iisul wasaaraha ayaa Wuxuu sheegay inay dhisi doonaan Galmudug mideysan oo dhammaan maamulkeeda siman loo qeybsado, islamarkaana laga ilaaliyay sadburi.

About Author