Post View....

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay geerida Maxamed Qanyare

0
157

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Maxamuud ayaa ka hadlay geeridda Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed, islamarkaana maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaa uu sheegay in Qanyare uu ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee sidda weyn looga yaqaano Soomaaliya.
Waxaa uu tacsi u diray dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Carruurtii uu ka tagay Maxamed Qanyare Afrax.
“Waxaan tacsi murugo leh u dirayaa xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare iyo dhammaan reer Qanyare Afrax meel kasta oo ay joogaan geerida ku timid Md. Maxamed Qanyare Afrax oo saaka ku geeriyooday Muqdisho,Marxuumka wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dalka soo maray muddo waliba duruufuhu adkaayeen.”ayuu yiri Xasan Maxamuud.

About Author