Post View....

Soomaalia Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Baarlamaanada Caalamka

0
160

Shirkii 140 aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka ayaa ka socda magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Waxaa shirkaas ka qeyb galaya wufuud ka kala socota baarlamanada dalalka caalamka intooda badan.

Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Somalia uga qayb galaya.

Shirkan 140aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka waxaana guddoominaya Guddoomiyha Golaha Shuurada ee dowladda Qatar, waxaana looga hadlayaa qodobo kala duwan oo la xiriira iskaashiga iyo wada shaqeynta baarlamaanada caalamka.

About Author