Post View....

Kulankii Golaha Shacabka Oo Fowdo Kusoo Gabagaboobay.

0
217

Waxaa maanta fowdo kusoo afmeermay kulan ay Xildhibaanada golaha shacabka ku lahaayeen xaruntooda, waxaana kulanka looga hadli lahaa arimaha amaanka dalka gaar ahaan caasimada.

Kulanka Baarlamaanka oo saacado badan dib u dhacay ayaa markii dambe furmay kadib ,markii oo kooramka buuxsamay, waxaana xildhibaanada ugu horeyn cod u qaadeen in Warbaahinta kulanka laga saaro iyo in ay joogaan.

In ka badan 100-Xildhibaan ayaa u codeeyay in Warbaahinta banaanka looga saaro kulanka , hasa ahaatee 42-Xildhibaan  ayaa ka biyo diiday in Warbaahinta kulanka laga saaro iyagoona xirtay albaabadii wariyaasha laga saari lahaa.

Kulanka ayaa mar qura isku bedelay foodo iyo buuq, waxaana markii dambe xaalku noqday in lagu kala tago kulanka kadib markii Gudoonka golaha shacabka uu ku guul dareestay in uu xaalada dejiyo.

Xildhibaanada qaar ayaa kasoo horjeestay in Warbaahinta iyo shacabka laga qariyo la xisaabtanka Hay’adaha amaanka oo maanta ajanduhu ahaa in su’aalo laga weediyo xaalada amaan daro ee dalka gaar ahana tan Muqdisho.

Heybadii Baarlamanaka Soomaaliya ayaa u muuqda mid sii muuq beelaya, waxaana xildhibaanada ay noqdeen kuwa dantooda gaarka ah ka hor mariya tan umada ay magacooda wax ku yihiin.

Kor Ka Daawo Muuqaalka Kulanka Iyo Sida Jawigu Ahaa.

 

About Author