Maamulka gobolka Banaadir ayaa xilka ka qaaday qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, halka kuwo kalena la isku bedelay. Talaabadan ayaa saameysay lix ka mid ah degmooyinka caasimada oo kala ah Dharkeynley, Shibis, C/casiis, Kaaraan, H/wadaag iyo Wadajir. Gudoomiyihii Dharkeynley C/Raxmaan Sayid Cali ayaa xilka laga qaaday, waxaana loo wareejiyey degmada Shibis, waxaana gudoomiyaha cusub… Continue reading Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dibu Shaandheyn Ku Sameeyay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho
Author: Sahra Cilmi
Askari Katirsan Ciidamada Dowlada Federalka Oo Dil Ugeystay Nin Miyir Dhiman
Askari ka tirsan ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw oo barqadii ah qof shacab ah ku dilay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegay in Askariga iyo ninkan uu dhaxmaray muran, ka dibna rasaas lagu furay markii uu la soo baxay toorey uu ku weeraray askariga Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la… Continue reading Askari Katirsan Ciidamada Dowlada Federalka Oo Dil Ugeystay Nin Miyir Dhiman
Dibad Baxyo Rabshado Wata Oo Muqdisho Ka Dhacay
Banaan bax rabshado wata oo ay dhigeen darawalada Mooto bajaajta ku shaqeysa iyo dad kale oo shacab ah ayaa ka kadhacay Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho. Banaan baxa ayaa ah mid looga soo horjeeday dil uu Isgooska Howlwadaag ugu geestay askari katirsan ciidanka booliiska labo qof oo shacab ah oo mid kamid ahi ahaa… Continue reading Dibad Baxyo Rabshado Wata Oo Muqdisho Ka Dhacay
Soomaalia Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Baarlamaanada Caalamka
Shirkii 140 aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka ayaa ka socda magaalada Doxa ee dalka Qatar. Waxaa shirkaas ka qeyb galaya wufuud ka kala socota baarlamanada dalalka caalamka intooda badan. Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Somalia uga qayb… Continue reading Soomaalia Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Baarlamaanada Caalamka
Kulankii Golaha Shacabka Oo Fowdo Kusoo Gabagaboobay.
Waxaa maanta fowdo kusoo afmeermay kulan ay Xildhibaanada golaha shacabka ku lahaayeen xaruntooda, waxaana kulanka looga hadli lahaa arimaha amaanka dalka gaar ahaan caasimada. Kulanka Baarlamaanka oo saacado badan dib u dhacay ayaa markii dambe furmay kadib ,markii oo kooramka buuxsamay, waxaana xildhibaanada ugu horeyn cod u qaadeen in Warbaahinta kulanka laga saaro iyo in… Continue reading Kulankii Golaha Shacabka Oo Fowdo Kusoo Gabagaboobay.
Ciidamada Xooga Dalka Oo Miinooyin Badan Kasoo Saaray Deegaanka Ceelasha Biyaha
Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa degaanka Ceelasha biyaha ka soo saaray waxyaabaha Qarxa oo badan oo lagu aasay xaafado ka mid ah degaanka. Saraakiisha Ciidanka dowlada ayaa sheegay in qaraxyada la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada amniga ee ku sugan degaanka iyo shacabka. Wali lama shaacin In howgalkaasi lagu soo qabtay shaqsiyaad marka laga Reebo… Continue reading Ciidamada Xooga Dalka Oo Miinooyin Badan Kasoo Saaray Deegaanka Ceelasha Biyaha
Boosaaso: Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Mashaariic Hormarineed Daahfuray
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso maanta ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin xaafadda cusub oo lagu magacaabo Guryo-Samo, taasoo loo dhisi doono si casri ah, dhismaha mashruuca XALKA WAARA’’ oo lagu dhisi doono 200 oo guri, taasoo ay degi doonaan barakacayaasha magaalada Boosaaso iyo gobolka Bari oo dhan… Continue reading Boosaaso: Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Mashaariic Hormarineed Daahfuray
Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo shaqa joojin lagu sameeyay, Maxaa sababay?
Guddoomiyihii degmada Xamar-jabab ee gobolka Banaadir Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orange) ayaa shaqada laga jooiyey ka dib amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho. Shaqo joojinta lagu sameeyey Guddomiyihii degmada Xamar Jajab ayaa waxaa allbanaadir online u xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Si rasmi ah looma oga sababta keentay shaqo joojintan… Continue reading Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo shaqa joojin lagu sameeyay, Maxaa sababay?
Dalka Burunay Oo Shareecada Islaamka Dhaqan Galiyay!
Burunaay (Brunei) oo ah dal yar oo dhaca jasiiradda loo yaqaano Borneo, wuxuu u qeybsamaa 2 qaybood oo kala duwan oo ku wareegsan Malaysia iyo Koonfurta Badda Shiinaha. Waxaa ay caan ku tahay xeebaha qurxoon iyo dhulka keymaha ah. iyo xayawaanka noolaha ee biodiverse, inta badan waxaa lagu ilaaliyaa kaydka waxyaalo qadiim ah. Caasimadda dalka… Continue reading Dalka Burunay Oo Shareecada Islaamka Dhaqan Galiyay!
Safiirada Midowga Yurub U Fadhiya Soomaaliya Oo Booqday Somaliland
Safiirada Dalalka Midowga Yurub u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa booqasho ku gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada gooni isutaaga Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu xafiiskiisa ku qaabilay wefdigan oo ka koobnaa safiirrada Soomsaliya u fadhiya dalalka kala ah Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, UK iyo Midawga Yurub. Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada,… Continue reading Safiirada Midowga Yurub U Fadhiya Soomaaliya Oo Booqday Somaliland