Post View....

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dibu Shaandheyn Ku Sameeyay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho

0
167

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xilka ka qaaday qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, halka kuwo kalena la isku bedelay.

Talaabadan ayaa saameysay lix ka mid ah degmooyinka caasimada oo kala ah Dharkeynley, Shibis, C/casiis, Kaaraan, H/wadaag iyo Wadajir.

Gudoomiyihii Dharkeynley C/Raxmaan Sayid Cali ayaa xilka laga qaaday, waxaana loo wareejiyey degmada Shibis, waxaana gudoomiyaha cusub ee Dharkeynley loo magacaabay Abuukar Axmed.

C/raxmaan Cali ayaa waxaa loo magacabay gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir, iyadoo Sabaax Cabdullahi laga dhigay gudoomiyaha degmada C/casiis.

Guddoomiyihii Degmada Howlwadaag C/Kariin Cali Kaar ayaa isna xilkiisa waayey,  waxaana xilkaas loo magacaabay Mustaf Cali Kheyre, iyadoo gudoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan loo dhiibay Degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay Guddoomiye cusub waxaana lagu magacaabaa Abshir Kaaraan.

Gudoomiyeyaaha xilkooda waayey oo kala ah Kaaraan, C/casiis, Wadajir iyo H/wadaag iyo Shibis loo magacaabay qaarkood xilal agaasimeyaal.

About Author