Post View....

Dalka Burunay Oo Shareecada Islaamka Dhaqan Galiyay!

0
208

Burunaay (Brunei) oo ah dal yar oo dhaca jasiiradda loo yaqaano Borneo, wuxuu u qeybsamaa 2 qaybood oo kala duwan oo ku wareegsan Malaysia iyo Koonfurta Badda Shiinaha. Waxaa ay caan ku tahay xeebaha qurxoon iyo dhulka keymaha ah. iyo xayawaanka noolaha ee biodiverse, inta badan waxaa lagu ilaaliyaa kaydka waxyaalo qadiim ah. Caasimadda dalka Burunaay waa Bandar Seri Begawan, waxaan bartanka magaalada kuyaala masjidka caanka ah ee Jameeca Xasan Bolkiah oo leh 29 minaaradood oo dahab kasameysan. Waxaa meel kore laga dheehan karaa astaanta qasriga Istana Nurul Iman oo ah aqalka suldaanka talada dalka haya iyo halka looga arimiyo dalka.

Kadib markii dalka Burunay looga dhawaaqay dhaqanka Shareecad Islaamka waxaa qeyla dhaan kasoo yeertay dowlado badan oo reer galbeed ah.

European Union meeting.
European Union meeting.

Midowga Yurub ayaa kamdi ah ururada ugu horeeyay ee cambaareeyay shareecada Islaamka ee maanta ka dhaqan gashay dalka Brunei, iyagoo sheegay in ciqaabta arxan-darrada ah ee sharciga ogolaanayo ay ka dhigan tahay jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Sharcigan oo dil ku xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa ku kaca zinada, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya, ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay caalamka meelo ka mid ah.

“Qaar ka mid ah ciqaabta uu sharcigan ogolaanayo ee dambiyada qaar waa jir dil, ficil arxan-darro, wax ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liiditaan ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenka Midowga Yurub.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciqaabaha uu sharciga ogolaanayo ay jebinayaan xeerarka QM ee ka dhanka ah jirdilka, oo Brunei ay saxiixday ilaa sanaddii 2015.

“Waa muhiim in Brunei-Darussalam ay xaqiijiso in fulinta sharcigan uusan ka hor-iman xuquuqda aadanaha, islamarkaana uu waafaqaa dhammaan waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee xuquuqda aadanaha oo ay Brunei-Darussalam qaadatay” ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Yurub.

Brunei, oo ah boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, ayaa sheegtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay dalkaas ka billaabatay maanta

Sharcigan ayaa Brunei ka dhigaya dalka kaliya ee Bariga ama Koonfurta Bari ee Asia ee si heer qaran u dhaqan-geliya ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna ku biirayaa dhowr dal oo badankood ku yaalla Bariga Dhexe, sida Sacuudi Carabiya, oo shareecada looga dhaqmo.

Sahra Cilmi – Dalka Times

About Author