Ogaal wadaag, wax badan ka ogaaw, dhacdooyinka Dunida iyo Bisada Somalida ee Qurbaha ku nool.
Sannadkii 1940kii ayaa Janet Robertson -UK oo ka mid ah Dadka Bisadaha xanaaneysto, ayaa Bisado Somaliya laga qaaday geeyay Australia, Newzealand iyo Waqooyiga America.
kadibna Halkaa ayeey my farcameen, waxa kaliya oo muuqaalkooda iska bedelay waa Dhugortoodii oo badatay. Sannadkii 1963 ayaa Mary Mailine oo Kanadian ah, uga qeyb agalay Bandhig Bisadeed .Bisad Somalidii ugu caansaneed Mareykanka 1953dii waxaa la dhihi jiray Raby Chuffa. waxa eyna noqdeen qaar ka mid ah Bisadaha Dunida ugu wanaagsan.
Dadka qaar ayaa rabay in magacaa laga bedelo oo loogu yeero Bisada Ethiopia. Laakin, Evelyn Mague oo Mareykan ahaa ayaa Bisadha u bixiyay Magaca,” Bisad Somali” kadibna waa ku raacay magacaa, Don Riching oo Canadian Reer McGill ah.
kadibna Fancier Organization ayaa Aqoonsaday, kadibna 1979 CFA waqooyiga America, kadibna waxaa laga Aqbalay Europe 1982, ugu dambeeyna Si Caalamiya ayaa loogu aqoonsaday “Somali Car”,1991.
kadibna Mague Charity ayaa dhisay ( the Somal Cat Club of America- SCCA) Naadiga ey ku mideeysan yihiin Dadka Xanaaneeysto Bisadaha Somalida. Bisadahaa oo leh ilaa 28 Midab.
Bisadda Somalida ,Magaceeda Cilmiga ah: Scientific Name waa : Felis Caters. personality : degan, Caqli badan, geesiyada ah, Geeda koroow ku fiican, Dad la noolaashada ku fiican, Cumriga: Muddada ey Noolaan karto waa 12-14 Sanno.
Dhinaca kale Bisadda Aduunka ugu Taajirsan waxaa ka mid ah Bisad madoow oo lagu magacaabo Blackie oo Sannadkii 1988 milkiilihii lahaa Ben Few oo aan qooys leheyn uu hantidiisii uga dardaarmay in ey dhaxleeyso Bisadaasi hantidaa oo aheyd 12.5 Million Dollar, sidoo kale Maria Assunta oo aheyd Talyaani geeriyootay 2011, ayaa $13 Million uga dardaarantay Besadeeda Bacdamaa eyna Maria Caruur leheyn.
Suuqa Bisadaha lagu kala iibsado, Bisadaha ugu qaalisan waa Nuuca Ashera Cat qiimuhu waa $125,000 . Savanna Cat waa $20,000 Egypt Mau cat waa $1800.
Muddo dhaweeyd ayaa Bisadaha Somalida qiimahoodu gaaray $ 1,400 halkii Bisad. Dad ayaa bilaabay in ey Yurub u dhoofiyaan, tira badan ayaana la dhoodiyay, laakin qolyihii kula tartamayay Suuqa ayaa ku eedeeyay in Bisadaha Somalia aan la soo talaalin markii la soo dhoofinayay, mana leh Health certificate, waxaana laga soo dhacay Dad aan Dowlad leheyn, waxaana suura gal ah in xoog looga soo qaaday Dadkii lahaa Bisadda, kadibna waa la hakiyay Dhoofintii Bisadaha Somalida. ( F.S: 1-10).
FG: Raali ahaaw, Haddii aan kugu badiyay, ama aadan jecleeysan moowluuca, waa muhim in La wadaagu Aqoonta guud, waxaana laga ogaado waxyaabaha ka jiro, Dunida aan ku noolnahay.
Qore: Yahya Amir.