Wararka inaga soo gaaraya Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in ay bilaabatay dad ushaqo tegaya maalmahaan dambe inay qubuuraha dib usoo faganayaan.
Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya waxaa koox tuugo ah oo xabaalaha qodata ah ay dhibaato ku hayaan qabuuraha Lang’ata ee Magaalada Nairobi.
Burcadaan aan meydka ixtiraamin ayaa qaadanaya sanduuqa meydka la galiyo iyo bariha xabaasha lagu meegaaro.
Dad Ehel la ah Dhowr qof oo meydkooda dibada loo soo saaray lagana baxsaday Sanduuqii la geliyey ayaa walaac ka muujiyey Arintaan.
Hadal heyn xoog leh ayey ka dhalisey burcadaan iyo Qaabkaan foosha xun ee meydka u ixtiraamin gudaha Nairobi ayaana laga hadal hayey saacadihii lasoo dhaafay Arimahaasi.