Xilli dhawaan xilka si rasmi ah uu ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa haatan laga dhuursugaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono.
Maxamed Caalin oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya gobolka ayaa BBC-da u sheegay in xilligan aanay suurogal aheyn in dhammaan wasiirada lasoo magacaabi doono ay noqon doonaan kuwa cusub maadama lagu jiro xilli doorasho.
“Marka wasaaradaha aan aaminsanahay in la baddali doono waxaa kamid ah wasaaradda maaliyadda, wasaaradda gaashaandhigga, wasaaradda arrimaha gudaha wasaaradda ganacsiga iyo wasaarado kale maadama Ra’iisul wasaaraha muddo xileedkiisu uu ku egyahay xilliga doorashada ka dhiman, waxaan aaminsanahay in la keeni doono wasiiro markii hore aan siyaasadda ka fogeyn”
Wuxuu qabaa in dowladda uu soo dhisi doona Ra’iisul wasaaraha cusub ay ka imaan doonto rabitaanka madaxweynaha.
” Waxaan aaminsanahay in xukuumadda uusoo dhisi doono inta badan ay ka imaan doonto rabitaanka madaxweynaha iyo madaxda guddoonka baarlamaanka, Sida uu dalbaday in uu xilka wareejiyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Kheyre si uu goob joog ugu ahaado maadama uu dastuurka qorayo..Ra’iisul Wasaaraha cusub ilaa iyo hadda wuxuu ku shaqeynayaa rabitaanka madaxweynaha wuxuuna xilka kala wareegay Ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guuleed oo markii madaxweyne Farmaajo uu magacaabay arrintaas marqaati ka ah”
Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa wasiirkii hore warfaafinta ayaa BBC u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha haatan taagan.
“Labo arrimood arrin waxay tahay waxa looga baahan yahay Ra’iisul Wasaaraha cusub waa waxqabad waa in uu ka shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa arrimo badan oo hadda dalka horyaalla, dad uu arko inay kala shaqeeyaan in uu keensado dhanka ka yimaadaanba”
“Shaqada looga baahan yahay ay ugu weyn tahay in doorashooyin uu qabto , ugu weyn tahay boogihii ballaarnaa uu wax ka dhayo, in dadka la dareensiiyo xuquuqda iyo sinaanta in dalka la wada leeyahay”
Wuxuu qabaa in Rooble fursad loo siiyo sidii uu kusoo dhisi lahaa xukuumad cusub oo ka shaqeyn doonto dhowrista dastuurka iyo xuquuqda aadanaha.
“In uu soo xusho fursadna loo siiyo dadka uu is leeyahay wey kaala sahqeyn karaan ajandayaasha muhiimka ah”
“Xuquuqda iyo xoriyaadka iyo dhowrista dastuurka iyo hanaan lagu aamino intaba fursad ayay siinayaan haddii uu ka howlgalo, ” ayuu yiri Geelle.
Waxaa wali shaqeynaya wasiiradii xukumaddii hore ee ras’iisal wasaarihii xilka ka dagay, mana cadda in Rooble uu xukmadiisa cusub u deyn dono in in badan oo ka mid ah ay shaqadoodii sii wataan iyo inuu wajiyo cusub soo gelin doono golihiisa cusub ee wasiirada.
“Waqtiga oo yar darteed, dad badan waxay qabaan haddii suurogal tahay in shaqadooda ay sii wataan hadii badal u u baahdana uu badali kuwa uu arko inaysan wax bada ku soo kordhin karin, waana runtii howl isaga u taallo laga rabo go’aankeeda” Xuseen Axmed Cabdikariin Gindish la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya.
Ibraahim Faarax Buursaliid oo ka faalooda arrimaha siyaasadda wuxuu sheegay in Xuseen Rooble looga fadhiyo sidii uu usoo dhisi lahaa xukuumad loo wada dhan yahay.
“Waxyaabaha ugu horreeyo in uu diiradda saaro ay tahay sidii looga gudbi lahaa caqabadda hortaagan doorashooyinka dalka isku diyaarinayo 8-da Febraayo sanadka dambe marka afar bilood la fiiriyo heshiiskii Muqdisho lagu dhameystiray..haddii culeyso yimaadaan qaabkii looga gorgortami lahaa”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii 25 bishii agoosto ay golaha shacab ay kalsoonida kala laabteen xukumadda hore ee uu hogaaminayay ra’isulwasaarihii hore ee dalka xasan Cali Kheyre.
Xasan Cali Kheyre oo sharci darro ku tilmaamay tallabaadaasi ayaa shegay inuu iskiis go’aansaday inuu is casilo.