Guddoomiyaha Guddig Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo laga inay Baarlamaanka Soomaaliya hortagto iyo go’aanka qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa caddeysay inaysan gacan ugu jirin dhaqaalihii Guddigeeda u baahnaa.
Guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey oo dhibaatooyin iyo caqabado badan hor yaallaan ayaa baahida ugu weyn ee uu qabo waxay tahay dhaqaale lagu qabto Doorashada, iyadoo Xaliimo Yarey ay sheegtay in qabashada Doorashada 2020/2021 u baahan tahay 70 Milyan oo Doolar.
Kulan adag oo dhowaan dhex maray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo Yareyn iyo Golaha Wasiirada Guddi ka mida ayey ka sheegtay inay Guddigeeda hayaan oo 11 Milyan oo Doolar kaliya, iyadoo dowladda federaalka ay bixineyso 7 Milyan oo Doolar, halka 4 Milyan uu ku yaboohay Mareykanka.
Qorshaha 70-ka Milyan ee Doolar ku doonayo Guddiga Doorashada Qaranka ayaa ah qiyaas lagu sameeyay Doorasho fudud oo qof iyo cod ah oo ka dhacda qeybo ka mida Soomaaliya, laakiin waxaan weli la ansixin xeerarkii Doorashada, iyadoo aan la xalin khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.