Somaliland ayaa mar kale diirada saareysa iney xariir diblumaasiyadeed la sameyso qaar ka mid ah dalalka Dunida.
Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Mohamud Faratoon ayaa lasoo sheegayaa inuu socdaal qarsoodi ah ku tagay dalka Afrika ku yaal ee Kongo DRC
Intii uu ku sugnaa caasimadda dalkaas ee Kinshasa ayaa waxaa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah Wasaaradaha dalkaas, isagoo kala hadlay sidii uu xariir diblumaasiyadeed udhexmari lahaa labada dhinac.
Inkastoo aanan la heyn faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan jawaabta Dalka Kongo, hadana Warar laga helayo Hargeysa ayaa sheegaya in dadaaladdii socday ay guul ku dhow yihiin.
Dhawaan ayay aheyd markii Somliland ay la xariirtay Dalka Gambia ayna kala hadashay in cilaaqaad ay yeeshaan, laakiin Madaxweynaha dalkaas ayaa uga digay Wasiirka arimaha dibadda ee isla dalkaas inuusan marnaba faragelin arimaha Qaranimadda Somalia.
Somliland ayaanan ka hadlin fashilka ay kala soo laabatay Gambia, laakiin taas badalkeeda waxaa ay soo bandhigtay xariirkii dibllumaasiyadeed ee ay la yeelatay Jasiiradda Taiwan oo dalal kooban ay la leeyihiin xariir diblumaasiyaded.
Tan iyo markii uu soo baxay xariirka Somaliland iyo Taiwan, Shiinaha ayaa soo diray fariimo ku socda Somalia iyo Somliland, laakiin Madaxweynaha Somalia ayaa ku wargeliyay Beijing in kaliya ay aqoonsan yihin qaranimadda China oo ay Taiwan ku jirto.
Somailand ayaana si weyn uga carootay hadalka Madaxweynaha Somalia.
Dhanka kale, Somaliland ayaa mashruucyo waa weyn ka heshay ilaa sedex dal, mashruucyadan ayaa loo fasaxay kadib wadahaladii Jabuuti ee Somalia iyo Somaliland.
Dalalka kala ah UK, Denmark iyo Holand ayaa Somaliland la saxiixay heshiis lagu fulinayo afar mashruuc oo muhiim ah
Mashaariicdan oo ah kuwo ballaaran ayaa kala aha
1 – Mashaariicdan ayaa kala ah dib u dhiska waddada isku xidha Berbera iyo Burco.
2 – Mashruuc lagu horumarinyo Beeralayda Awdal iyo Maroodi-jeex.
3 – Mashruuca balaarinta Biyaha Caasimadda Hargeysa ayaa ah mashruuca saddexaad.
4 – Mashruuca Afraad ayaa ah dhismaha Deked yar oo Kalluumaysi taas oo laga dhisayo magaalo xeebeedka Maydh ee gobolka Sanaag.
Saddexda Danjire ee Waddamadan u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariicdan lagu saleeyay Qorshaha horumarinta Qaran ee Somaliland.