Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dar dar shaqo la yimid isagoo saacado ka hor ku guuleystay inuu damiyo Xiisadii dagaal ee dhawaan ka dhacday Gaalkacyo.
Wasiir Fiqi ayaa ku wareejiyey Koontaroolada Gaalkacyo Ee Koonfurta Galmudug,Ciidamo katirsan Booliska Maamulkaasi.
Wasaarada Amniga Galmudug ayaa la wareegtay gaadiidkii lagu dagaalamay dhawaan,qaarkoodna Cadaado la geeyey Islamarkaana si rasmi ah ah loogu Wareejiyey Wasaarada Amniga Galmudug Koontaroolada Gaalkacyo Koonfurteeda.
Wasiir Fiqi ayaa Kormeer ku tegaya ilaa Sadex koontarool Oo Gaalkcyo laga Maamuli doono,iyadoo Qorshe Amni uu dejiyey Wasiirka la tilmaamay in lagu dhaqmi doono.
Dhawaan waxaa jirtay in Ciidankii Booliska Haramacad Ee Dhuuso mareeb joogay ku qasbay in Dib loogu soo celiyo Muqdisho kadib Wasiir Fiqi oo sheegay in Ciidankaasi baahi loo qabin oo ciidanka Galmudug isku filnaasho gaari doonaan.