Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay Mashruucii shalay ay wada saxiixeen isaga iyo Duqa Muqdisho ee lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka, hayeeshee uu joojiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiir Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Mashuuca marka hore loogu talagalay inay ka wada qeyb qaatan shanta Maamul Goboleed ee dalka iyo Gobolka Banaadir, hayeeshee markii ay saxiixeen kadib Cabashooyin laga keenay, isla markaana Go’aan lagu gaaray in la joojiyo Mashruucaas oo ku kacaayay 112 Milyan oo Dollar.
Sidoo kale waxaa uu Wasiir Beyle tilmaamay in Mashruuca dib u eegis lagu sameeyn doono, isla markaana dhamaan ay ka qeyb geli doonaan Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo cid kasta uu shaqo leh arrintaas.
Si kastaba Mashruuca oo shalay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda iyo Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, hayeeshee waxaa laga tegay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jowhar.