Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helnay Guri ku dumay Qeybo ka mid ah Degmada Hodan ayaa waxay sheegayaan in Khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.
Inta la og yahay Laba qof ayaa ku geeriyooday waxaana ku dhaawacmay Shilkaan sidoo kale Seddex Qof.
Dabaq ayuu ahaa Guriga soo dumay sida ay inoo sheegeen Goob joogayaal,waxaana gurmad usameeyey dadka dhaawaca soo gaareen Dadka Deriska la ahaa.
Gaadiidka Ambalaasta ayaa dhaawaca lagu soo daabulay kuwaas oo loola cararay Cusbitaalada Muqdisho si loo daweeyo.
Meel kudhaw Isgoyska Banaadir ayuuna Ku yaallaa Guriga Shilkaas uu ka dhacay Ee khasaaraha Nafeed uu ka dhashay.