Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax oo ahaa siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii dalka soo maray waxaa uu ku dhashay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal sanadkii 1945.
Intii u dhaxaysay sanadihii 1961 illaa 1965 waxaa uu dugsiga sare uga baxay magaalada Muqdisho kadibna waxaa uu galay kulliyadda ciidamada magaalada Qahira ee caasimada dalka Masar.
Jaamacadda ummada ayuu ka bartay sharciga waxaana uu ka baxay sanadkii 1986.
Taariikhaha qoran waxay muujinayaan inuu qeyb ka ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay afgambigii ay talada wadanka ku qabsadeen ciidamadu sanadkii 1969.
Sanadkii todobaatameeyadii waxaa uu noqday duqa magaalada Muqdisho waxaana intii ay jirtay xukuumadii kacaanka uu qabtay xilal ay ka mid ahaayeen gudoomiyaasha gobolada Sh/dhexe,Bakool danjiraha Soomaaliya Japan iyo Jarmalka iyo xilal kale oo ay ka mid ahayd qeybta hay’addii sirdoonka qaranka.
Waayihii burburkana sanadkii 1999 waxaa uu noqday wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed.
Bishii November sanadkii 2001 waxaa uu noqday r/wasaaraha xukuumadii kmg ahayd waxaana uu xilkaas hayay illaa 8 bishii December sanadkii 2003.
Sanadkii 2004,tiina waxaa uu noqday wasiirkii wasaaradda kaluumaysiga sanadkii 2006 asaga iyo wasiiro kale ayaa is casilay kadib markii ay is qabteen r/wasaarihii xilligaas Cali Max’ed Geedi iyo M/weyne C/llaahi Yuusuf.
Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax waxaa uu sanadkii 2008 u tartamay xilka m/weynenimada puntland hase ahaatee waxaa ka guulaystay C/raxmaan Faroole oo hadda ka tirsan xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya.
Bishii August sanadkii 2012 Xasan Abshir waxaa uu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka Soomaaliya.
Waxaa soo ururshay Burhaan Diini Faarax.