NEW YORK:-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya, iyadoo ka digtay in ku dhawaaqista dowladda ee xaaladda degdegga ah ay hor istaageyso cuntada iyo gargaarka kale.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sii riixaya olole milatari oo uu ku dhawaaqay Arbacadii, in kasta oo caalamku ku baaqay in wadahadal lala yeesho Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) si looga fogaado dagaal sokeeye.
Isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga Tigreega ayaa ka dhacay 8 goobood oo ka tirsan gobolka, sida lagu sheegay qoraal Sabtidii ka soo baxay xafiiska isku-dubaridka howlaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee OCHA.
Warbixinta OCHA ayaa lagu sheegay in ilaa 600,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay noloshoodu ku tiirsan tahay gargaarka cunno ee la siiyo, halka 1 milyan oo kale ay helaan qaabab kale oo taageero ah, kuwaasi oo dhamaantood la carqaladeeyay.
Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa ilo bani aadannimo ayaa sheegtay in lix dagaalyahan la dilay in ka badan 60 kalena lagu dhaawacay dagaal ka dhacay meel u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Tigray iyo Amhara, iyadoo uu labada dhinacba khasaare ka soo gaaray dagaalka.
Arbacadii ayay ahayd markii ra’iisul wasaare, Abiy Axmed uu amar ku siiyay ciidamada milatariga in ay weerar ku qaadaan gobolka Tigreega oo saldhig u ah jabhadda TPLF.
Shantii maalmood ee ugu dambeysay waxaa gobolka Tigreega ka socday iska hor imaadyo culus oo ay labada dhinac isku farasaareen.
Ciidamada cirka ayaa lagu soo warramayaa in ay duqeymo ka fuliyeen deegaannada ay dagaalladu ka socdaan.
Ra’iisul wasaare Abiy ayaa wacad ku maray in ay duqeymaha iyo dagaalku sii socon doonaan inta laga adkaanayo jabhadda Tigreega.