Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inaysan lahayn Jaamacad dhawaan laga furay Magaalada Muqdisho oo wadata magaceeda.
War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in QM aysan wax xiriir ah la lahayn Jaamacad “lagu lagu tilmaamay inay Qaramada Midoobay leedahay” oo uu maamula ka yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.
“Iyadoo laga jawaabayo su’aalo nala soo weydiiyay, waaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa inuusan jirin xiriir ka dhaxeeya hay’addaQaramada Midoobay iyo wax loogu yeeray Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Soomaalia”, ayaa lagu billaabay qormada warsaxaafadeedka.
“In si sharci ah loo adeegsado astaanta Qaramada Midoobay waxay ku suurtagali kartaa oo kaliya in la oggolaado codsi aad u adag iyo in la maro nidaam ku xiran in fasax qoraal ah uu kasoo baxo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay”.
“Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNAS) ma aysan codsanin, xog-hayaha Qaramada Midoobayna uma uusan fasixin inay magaca ama astaanta Qaramada Midoobay u isticmaasho ujeeddooyin ganacsi”.
Jaamacadda cusub ee laga furay Soomaaliya ayaa wadata astaanta caanka ah ee Qaramada Midoobay, waxayna mas’uuliyiinteeda horay u sheegeen “inay hoos tagto hay’addaas caalamiga ah”.
Bayaanka kasoo baxay UNSOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu socdo dadaal ay Qaramada Midoobay maxkamad kula tiigsan doonto maamulka Jaamacaddaas.
“Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu ku howlan yahay xiriirro uu la sameeyay maamulka Jaamacadda UNAS iyo mas’uuliyiinta u marti galiya website-ka caalamiga ah ee ay ku leeyihiin Internet-ka, waxayna xiriir kaas la mid ah la sameysay dhammaan bogagga kala duwan ee ay ku leedahay baraha buslahada ee sida aan fasaxa loo heysanin loogu isticmaalay magaca iyo astaanta QM. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay sharciga la tiigsaneysaa Jaamacadda UNAS, si arrintaasi loo joojiyo”.
Xaflad la qabtay 11-kii bishii May ayaa lagu daah furay Jaamacadda, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad.