Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceelashada biyaha ee gobolka shabeellada Hoose
Weerarka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha, maadaama halkaasi saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa AMISOM.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana bilowday dagaal halkaasi ku dhexmaray labada dhinac.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo kuwa AMISOM, wuxuuna Deegaanka arbacow maalmihii la soo dhaafay uu ahaa deegaanka ay ku dagaalamaan AMISOM iyo Al-Shabaab.