Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka dalbaday madaxda muslimiinta ee dalkiisa inay aqbalaan “Axdiga muhiimadda Jamhuuriyadda”, kaasoo qeyb ka ah dadaalka lagula dagaallamayo muslimiinta xagjirka ah.
Maalintii Arbacada ayuu madaxweynaha muddo 15 maalmood ah u qabtay Golaha Muslimiinta Faransiiska (CFCM) si ay ugu aqbalaan axdigaas.
Wuxuu axdigan dhigayaa in Islaamku uu yahay diin oo uusan ahayn dhaqdhaqaaq siyaasadeed, wuxuuna sidoo kale mamnuucayaa in “faragalin shisheeye” ay ku lug yeelato ururrada muslimiinta ah.
Arrintan waxay daba socotay saddex weerar oo lagu tuhunsan yahay dad muslimiin ah oo Faransiiska ka dhacay hal bil iyo maalmo gudahood.
Mr Macron ayaa si adag u difaacay mowqifka Faransiiska ee ku aaddan in la kala saaro diinta iyo siyaasadda kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen weerarro, uu ku jiro mid lagu gowracay macallin bishii lasoo dhaafay fasal dhexdiis kusoo bandhigay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxammad NNKH.
Galinkii dambe ee Arbacada, madaxweyen Macron iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Gérald Darmanin, ayaa la kulmay siddeed ka mid ah hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee ka tirsan ururka CFCM, kuwaasoo ay ku qaabileen qasriga Élysée.
Wadaaddada matalayay CFCM waxay aqbaleen in la dhiso Gole Qaran oo ka kooban Imaamyada. Golahaas ayaa aqoonsi siin doona Imaamyada, wuxuuna ku kormeeri doonaa khudbadaha ay jeediyaan, isagoo meesha ka saari doona wax kasta oo loo arko inay xanaf leeyihiin.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo lagula tacaalayo waxa uu ugu yeedhay “Gooni yeelidda Islaamka” ee Faransiiska.
Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah hindise sharciyeed lagu hor istaagayo xagjireynta. Waxaa shaaca laga qaaday Arbacadii, waxaana ka mid ah in la xaddido waxbarashada guryaha dhexdooda ah iyo in ciqaabo adag la marsiiyo dadka saraakiisha dowladda u handada arrimo diimeed awgood.
Cunug kasta waxaa la siin doonaa lambar aqoonsi ah oo uu amrayo xeerkan, kaasoo lagu xaqiijinayo inay iskuullada xaadiraan.
Waalidiinta sharcigaas jabiya waxay wajihi karaan ciqaab xabsi oo gaareysa ilaa lix bilood iyo ganaax aad u badan.
Hindise sharciyeedka, oo markii ugu horreysay ay aragtay Wakaaladda Wararka ee AFP, ayaa sidoo kale dambi ka dhigaya in la faafiyo xog ku saabsan ruux oo sahleysa in qofkaas ay aqoonsadaan dad waxyeello la damacsan.
“Waa inaan carruurteenna ka badbaadinno saameynta islaamiyiinta,” Mr Darmanin ku yidhi wargeyska Le Figaro, oo uu la hadlay Arbacadii.
Sharciga qabyo qoraalka ah waxaa 9-ka bisha December looga doodi doonaa golaha wasiirrada ee Faransiiska.
Horaantii sanadkan, Madaxweyne Macron wuxuu Islaamka ku tilmaamay diin “qalalaase ah” wuxuuna difaacay xuquuqda ay majalladaha u leeyihiin inay daabacaan sawir gacmeedyada lagu muujinayo Nabi Maxamed NNKH.
Sawirrada noocaas ah ayey diinta Islaamka u aragtaa aflagaaddo ka dhan ah Nabiga, wuxuuna hadalka madaxweyne Macron ka cadheysiiyay malaayiin muslimiin ah oo ku nool caalamka.
Mudajaraadyo waaweyn oo looga soo horjeedo Macron ayaa ka dhacay dunida, dalal badan oo Islaamku ku badan yihiinna wuxuu madaxweynaha Faransiiska ka noqday shakhsi aad looga neceb yahay.
Waxaa xitaa meelaha qaar laga mamnuucay gadashada badeecooyinka ka imaada Faransiiska.
Faransiiska waxaa ku nool bulshada muslimiinta ah ee ugu badan galbeedka Qaaradda Yurub.