Shir ay deegaanka Taaroge ee Galbeedka Gaalkacyo ay ku yeesheen masuuliyiin ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ay kaga hadleen dagaalkii maalmo ka hor dhacay Halkaasi kaas u dhaxeyay Maleeshiyaad ka kala soo jeeda Labada Maamul.
Shirka ayaa waxaa goob joog ahaa sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo odayaasha labada maamul, kuwaasi u istaagay dajinta xiisadii shalay.
Labada maamul iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu dambeyntii waxaa ay ka gaareen dagaalkii laba qodob oo kala ah.
1-Xabad joojin labada dhinac ah iyo in la sameeyo guddi ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac kala matalaya si loo bilaabo wada hadalo horay loogu balansanaa.
Maanta ayaa lagu wadaa in guddiyada la sameeyay ay si rasmi ah ugu wada hadlaan dhameynta dagaalada ku soo laab laabta deegaankaasi.