Waxaa jira farsamo Qofka dhaqanka iyo Diinta looga bedelo iyada oo aan Diin iyo Dhaqan la soo hadal qaadin.
waxaa laga dilayaa Aqoonta, Hamiga uu leehayay oo loogu bedelo mid dhalanteed ah, Waxaa la hilmaansiinayaa Xiriirka Qooyska, Xaqa waalidka , waajibaadka ka saaran Dalka iyo Bulshadiisa.
Sida uu u maareeyo waqtigiisa ayaa lala wadaagayaa, waxaa loo sameeynayaa Dad kale oo noloshooda uu cabir ka dhigto, ugu dambeeyn waxaa ilbaxnimo looga dhigayaa in uu Jirkiisa u hardho sida midabada Xayawaanka qaar, in uu korkiisa daldalooliyo, Sankana durto sidii Sac Caana diid ah, kadibna Dabada baneeyso ayaa la leeyahay sidii Daanyeerkii ( F.S: 1-5).
Kadibna isaga oo aan Diin lagala hadal ayuu si tartiib tartiib ah uga fogaanaa Diintiisa iyo Bulshadiisa.
Alla ha naga najeeyo Farsamada Fasahaada Gaalada. Aamiin.
Qore: Yahya Amir