Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadd waxaa ay ka dhageysteen ergayga ee u qaabilsan arimaha sioomaaliya James Swan iyo ergayga Midowga Africa Francisco Madeira, iyagoona ka hadlay horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka, hawlgallada ay ciidanka dowladda soomaaliya ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale.
Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib midmid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaasi, Golaha Ammaanka wuxuu ugu baaqay madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan.
Sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood oo ay dowladda geysay sida gobolka Gedo, islamarkaana loo isticmaalayo loolan siyaasadeed sida ay hadalka u dhigeen.
Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Dhanka kale Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, oo khudbad ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay wada-hadallo u socdaan Soomaaliya iyo Somaliland.
James Swan ayaa sheegay in wada-hadallada ay yihiin heer sare ah, islamarkaana labada dhinac ay leeyihiin xiriir joogto ah. Waxa uu intaas ku daray in labada dhinacba ay doonayaan in lasii hormariyo wada-xaajoodyada.
“Marka ay noqoto xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xiriirka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yiri James Swan.