Wareegto ka soo baxaday Xafiiska Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa xilkii loogaga qaaday duqii magaalada Beledweyne Safiyo Sheekh Xasan iyadoo loo magacaabay duqa cusub ee magaalada Beledweyne Nadar Jabaax Maalin.
Duqa magaalada Beledweyne ee xilka laga qaaday Safiya Sheikh xasan Jimcaale ayaa haysay xilkaas muddo ka badan sanad.
Maamulka Hirshabelle ayaa marwalba waxa uu bedelaa maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Hiiraan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo Duq Cusubna Magacaabay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa xilka Duqa Cusub ee Baladweyne loogu Magacaabay Nadar Tabaax Maalin, waxaana xilkaas horey u haayay oo laga qaaday Safiya Xasan Jimcaale.
Dhamaan Hay’addaha amniga Baladweyne, kuwa Gobolka iyo shacabka ayaa waxaa la faray inay la shqeeyaan Mas’uulka Cusub ee loo Magacaabay Duqa Baladweyne, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.
Duqii hore ee Baladweyne Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir, waxaana xilka Duqa Magaaldaas loo magacaabay 27-ka bishii 5-aad ee sanadkii tegay ee 2019.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.