Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Jamhuuradda dadka Shiinaha ay ka guddoontay agab caafimaad oo looga hortagayo cudurka Coronavirus, kadib markii ay sii kordheen kiisaska laga helay Soomaaliya.
Deeqdaan ayaa timid Magaalada Muqdisho 7-dii bishaan oo shalay ku beegneed, waana gargaarkii labaad oo ka socda Xukuumadda Beijing oo ay ku wareejiso Dowladda Soomaaliya.
Shirxnadda caafimaad waxaa kamid ahaa Marooyinka jilcan ee afka iyo sanka daboola (Face Mask), Gacmo gashi (Golovis), dareeraha Gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka baaridda, dharka ilaalinta leh ee loogu talogalay in ay ku labistaan xirfadlayaasha caafimaadka.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa bogaadisay kaalmadaha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha oo ah gargaarkii labaad oo ay ku wareejiyaan DFS tan iyo markii dalka laga diiwaangeliyay Cudurka Coronavirus.
Aas-aasaha Shirkadda Alibaba Jack Ma ayaa Dowladaha Afrika oo ay Soomaaliya kamid tahay ugu deeqay agab caafimaad oo looga hortagayo Faafidda Cudurka Covid-19 oo gaaray 212-dal sida ay diiwaangelisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Tan iyo 24 Maarso, Soomaaliya waxa ay deeqo agab caafimaad ah oo labo shixnadood ah ka heshay Hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba, si la mid ah waxa ay labo shixnadood kale ka heshay Dowladda Shiinaha.
“Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Dowladda iyo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxa ayna bogaadinaysaa hindisahani bani’aadannimo ee looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus, waxa ayna dadaal ballaaran ku bixinaysaa sidii agabkaasi caafimaad loo kala gaarsiin lahaa dhammaan gobollada si loogu adeego shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 928 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus oo ay ka mid yihiin 106 ruux oo bogsatay iyo 44 ruux oo u geeriyootay.