Qeybtii labaad dad laga soo qaaday Sacuudiga oo laga soo dejiyay Muqdisho
Muqdisho:-Diyaarada Daallo Airlines oo siday qeybtii labaad dad Soomaaliyeed oo laga soo daad gureeyay dalka Sacuudiga ayaa gabal dhicii shalay ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa la sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo celiyay dadkaas, waxaana ka soo shaqeeyay guddi loo xilsaaray dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku kala xaniban daafaha dunida.
Dadka labadii maalin ee u dambeysay laga soo celiyay Sacuudiga ayaa u badan caruur iyo haween, waxana la sheegay in badankood ay xabsiyo ku jireen oo laga soo kala qabtay magaalooyinka dalkaas Sacuudiga, halka kuwa kalena ay isku dhiibeen booliska baacsanayey si loogu soo celiyo dalkooda.
Guddiga ay dowladdu u xilsaartay soo celinta dadkaas waxay habeen ka hor garoonka ka sheegeen in seddax loo qeybiyay dadka laga soo daad gureynayo dalka Sacuudiga, iyadoo illaa hada la keenay laba qeybood.
Dhanka kale marka laga soo tago dadkan labadii maalin ee u dambeysay laga soo dejiyay Muqdisho weli dalka Sacuudiga waxaa ku sugan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo qaar loo diiwaan geliyay in saacadaha nasoo aadan dalka dib loogu soo celiyo.